Sancho, Messi, Lukaku, Abraham, Bellerin, Ramos, Klopp, Mbappe, Depay & Wararki Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Waxa lagu jiraa bilihii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedyada yurub waxana haatanba bilaabanaya dhaq-dhaqaaqa suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo koox walba bilaabayso sii indha-indhaynta xiddigaha ay u dhaqaaqi doonaan suuqa xagaaga.

Xiddigo badan ayaa la filayaa in ay ku biiraan kooxo cusub iyada oo sidoo kale kooxo badan la filayo in ay suuqa galiyaan lacag si ay u helaan saxiixyada xiddigaha ay doonayaa.

Hadaba kooxda.com ayaa si maalinle ah idiinku soo gudbin doonta wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga.

Kooxda Man United ayaa wali doonaysa saxiixa xiddiga kooxda Borussi Dortmund ee Jadon Sancho suuqa xagaaga kaas oo ah bartilmaameedka 1-ad (90 Min).

Aabaha Lionel Messi ahna wakiilkiisa ee Jorge ayaa la kulmay madaxweynaha kooxda Barcelona ee Joan Laporte si uu ugala hadlo mustaqbalkx diddiga 33 jirka ah (Marca).

Kooxda chelsea ayaa diyaar u ah in ay aqbasho lacag dhan 40 milyan oo euro si ay u iibiso xiddiga weerarka uga ciyaara ee Tammy Abraham (Telegraph).

Kooxda cheslea ayaa dhankeeda diyaarinaysa dalab 90 milyan oo euro ah oo ay ku doonayso saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara Inter Milan ee Romelu Lakaku (Sun).

Kooxda Arsenal ayaa diyaar u ah in ay iska iibiso xiddiga daafaca Midig ee Hector Bellerin iyaga oo badalkiisa u calaamdsaday xiddiga kooxda Norwich City ee Max Aarons (90 Min).

Kooxda Arsenal ayaa doonaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga kooxda Borussiad Dortmund ee Julian Brandt hadii uu Martin Ogegaard ku laabto Real Madrid (Bild).

Kooxda Real Madrid ayaa doonaysa in ay saxiixeeda ugu horeeya ka dhigto daafaca kooxda Sevilla ee Jules Kounde (AS).

Dani Ceballos Ayaa xaqiijiyay in uu isaga tagi doono kooxda Arsenal dhamaadka xilli ciyaareedkan marka uu dhoco heshiiskiisa Amaahda ee Gunners (Goal).

Milkiilayaasha Liverpool ayaa tababaraha kooxda Sevilla ee Julen Lopetegui u calaamadsaday badalka Jurgen Klopp dhamaadka xilli ciyaareedkan (Fijaches).

Isla wararka ayaa sheegaya in uu Tababare Jurgen Klopp isaga tagi doono kooxda Liverpool dhamaadka xilli ciyaareedkan (Fijaches).

Kooxda chelsea ayaa kooxda Sevilla u soo bandhigtay saxiixa xiddiga Hakim Ziyech si ay u helaan saxiixa daafaca dhexe ee Jules Kounde (El Gol Digital).

Kooxda Man City ayaa haatan ugu cad-cad saxiixa xiddiga kooxda PSG ee Kylian Mbappe (Sport).

Kooxda Juventus ayaa dhigeeda Barcelona kaga horaysa tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Lyon ee Memphis Depay (Mundo Deportivo).

Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay wadahadalo horumar leh kula jiraan saxiixa xiddiga daafaca kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos kaas oo ay doonayaan in ay ku helaan qaab xor ah (Don Balon).

Tababare Massimiliano Allegr ayaa iska diiday kooxda Tottenham isaga oo doortay in uu ku laabto kooxdiisii hore ee Juventus si uu u badalo Andrea Pirlo (Gazzetta dello Sport).

Kooxda Man United ayaa dhigeeda Man City kula biirtay tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga daafaca Bidix ee kooxda Ajax ee Nicolas Tagliafico (various).

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Ma Doonaysaa In Aad Ogaato In Uu ku Jecelyahay Isaga Oo Aan Kuu Sheegin, 5-tan Arin Ee Muhiimka Ah Ayaa Kaaga Filan, Qodobka 5-aad U Fiirso.


Source: laacibfm

SHARE