Shaxda Ay Man United Ku Ciyaari Karto Kulanka Adag Ee Ay Marti Galin Doonto Roma.

Kooxda Man United ayaa kulan adag la ciyaari doonta kooxda Roma kulan ka tirsan lugta 1-aad ee Semi-final-ka tartanka Europa league kulan ka dhici doona garoonka Old Trafford.

Labada kooxood ayaa kulanka soo gali doona iyaga oo isha ku haya In ay natiijo fiican kala baxaan kulanka ka hor lugta 1-aad ee todobaadka dambe

Tababaraha Man United Ole Gunnar Solskjaer ayaa la filayaa in uu ku soo galo shaxdiisa ugu adag maadama ayna jirin wax dhaawacyo cusub ah oo soo gaadhay xiddigihiisa.

Solskjaer ayaa doonaya in uu guul gaadho kulanka ka hor inta ayna booqan Rome todobaadka dambe iyo waliba in ay hal lug la sii galaan Final-ka tartanka Europa league xilli ciyaareedkan.

blog_image

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Ma Doonaysaa In Aad Ogaato In Uu ku Jecelyahay Isaga Oo Aan Kuu Sheegin, 5-tan Arin Ee Muhiimka Ah Ayaa Kaaga Filan, Qodobka 5-aad U Fiirso.


Source: laacibfm

SHARE