Shaxda Laga Yaabo In Ay Arsenal Kaga Hor Tagto Villarreal.

Mikel Arteta ayaa haysan kara Liis buuxda oo uu ka xulan karo shaxdiisa kulanka Europa league ee ay la ciyaari doonaan kooxda Villarreal.

Arsenal ayaa marti u noqon doonta kooxda Villarreal kulan ka tirsan lugta 1-aad ee Semi-final-ka Europa League kulan ka dhici doona garoonka Estadio de la Ceramica iyaga oo ka hor tagi doona tababarohoodii hore ee Unai Emery.

Mikel Arteta ayaa xaqiijiyay in uu xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang taam u yahay kulanka sidoo kale xiddigaha Alexandre Lacazette & Kieran Tierney ayaa diyaar u ah in ay ciyaaraan kulanka.

Taas ayaa la macno ah in uu Mikel Arteta haysto koox buuxda oo taam ah kana kulan karo shaxdiisa ugu adag xilli uu isha ku hayo in ay natiijo fiican kala yimaadaan garoonka Villarreal.

How we expect Arsenal to line up against Villarreal

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Ma Doonaysaa In Aad Ogaato In Uu ku Jecelyahay Isaga Oo Aan Kuu Sheegin, 5-tan Arin Ee Muhiimka Ah Ayaa Kaaga Filan, Qodobka 5-aad U Fiirso.


Source: laacibfm

SHARE