Thibaut Courtois Oo Kaftan Ka Sameeyay Khasaarintii Timo Werner Ee Fursadii Kulankii Chelsea.

Waxa la helay sawiro muujinaya Goolhayaha Real Madrid ee Thibaut Courtois oo Olivier Giroud La wadaagaya kaftan ku saabsan Fursadii uu Timo Werner ka khasaariyay kooxda chelsea kulankii Real Madrid ee semi-finalka Champions League.

Werner ayaa ka baxay abaarta goolasha kulankii West Ham laakiin fursad lama filaan ah ka khasariyay kooxdiisa kulankii ay chelsea bar-baraha la gashay Real Madrid kulan ka tirsanaa lugta 1-aad ee Semi-final-ka champions League.

Pulisic ayaa kubad cajiib ah goolka hortiisa u dhigay Werner laakiin xiddiga reer Germany ayaa si toos ah ugu beegay goolhayaha kooxda Real Madrid kaas oo si cajiib ah u badbaadiyay.

Timo Ayaa sii waday Khasaarinta Fursadaha Kooxda chelsea xilli ciyaareedkan isaga oo si weyn ugu dhibaatoonaya goolka hortiisa tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda suuqii xagaaga.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Ma Doonaysaa In Aad Ogaato In Uu ku Jecelyahay Isaga Oo Aan Kuu Sheegin, 5-tan Arin Ee Muhiimka Ah Ayaa Kaaga Filan, Qodobka 5-aad U Fiirso.


Source: laacibfm

SHARE