Warka Cad : Harry Kane Oo Shaki Weyn Giliyay Mustaqbalkiisa Tottenham!

Harry Kane ayaa cirka ku sii shareeray doodda la gilinayo mustaqbalkiisa Tottenham waxa uuna sii daayay war xoojinaya umuurtaas

Laacibka ayaa hishiiskiisa White Hart Lane waxa uu dhamaanayaa xagaaga 2024-ta balse laacibka waxa uu dareensan yahay in xaalkaan uusan ku sii jiri karin

Waxa uu Kane xusay in uu doonayo in uu ku guuleysto koobab taasina uusan uga jeedin kooxdiisa Tottenham

Kooxo ay ka mid yihiin PSG iyo Real Madrid ayaa heeggan ugu jira saxiixa laacibkaas kaasi oo laga yaabo haddii uu ku adkeysto in uu baxo ay kooxdiisa ogalaneyso in ay iibiyaan

Harry ayaa wargeyska Standard ka yiri ” waa wax fiican abaal marinada shaqsiyadeed balse waxaan doonayaa in aan koobab kula guuleysto kooxda”

” Waxaan doonayaa in aan ku guuleysto koobabka la heli karo balse kooxdeyda sidaas ma sameyneyso”.


Source: laacibfm

SHARE