Wixii Ka Soo Baxay Kulankii Madaxweynaha Barcelona & Wakiilka Lionel Messi Oo La Ogaaday.

Mustaqbalka Lionel Messi ayaa u muuqda mid talaabo u qaaday in uu xiddigu sii joogo kooxda kadib markii ay kooxdu wadahadalo la furtay wakiilka xiddiga ahana aamihiis.

Heshiiska xiddiga 32 jirka ah ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedkan mana jirto wax heshiis cusub oo haatan jira taas oo keentay in ay soo baxaan warar sheegaya in uu xiddigu isaga tagayo kooxda.

Laakiin TV3 ayaa haatan sheegaysa in wakiilka xiddiga ahna aabihiis ee Jorge Messi uu wadahadalo la qaatay madaxweynaha kooxda ee Joan Lamprte si xal loo gaadho.

Wararka ayaa sheegaya in ay labada dhinacba doonayaan in ay heshiis gaadhaan sida ugu deg-deg badan maadama ay isku dhawyihiin dhinaca waxa ay doonayaan.

Wargayska MARCA ayaa sheegaya in ay kooxda Barcelona ku rajo weyn tahay in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga ka hor inta uuna dhamaan xilli ciyaareedkan si uu kooxda u sii joogo muddo dheer.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Ma Doonaysaa In Aad Ogaato In Uu ku Jecelyahay Isaga Oo Aan Kuu Sheegin, 5-tan Arin Ee Muhiimka Ah Ayaa Kaaga Filan, Qodobka 5-aad U Fiirso.


Source: laacibfm

SHARE