Xabi Alonso Oo Magacaabay Shaxda 5-tiisa Xiddig Ee Riyada.

Xiddigii hore ee kooxda Liverpool ee Xabi Alonso ayaa soo xushay shaxdiisa riyada ee 5-ta xiddig isaga oo soo xushay xiddigo tayo leh oo Halyeeyo ah.

Halyeeyga reer Spain ayaa ka soo garab ciyaaray ama ka hor tagay xiddigo ka mid ah kuwa ugu fiican taariikhda kubada cagta intii uu ciyaarayay kubada cagta waxana uu soo xushay shaxdiisa riyada ee ka kooban 5-ta xiddig.

Xabi Alonso ayaa Goolka u doortay Goolhayaha kooxda Bayern Munich ee Manuel Neuer isaga oo iska indha tiray xiddigo badan oo uu ugu horeeyo Goolhayihii hore ee Real Madrid ee Casillas.

Xabi Alonso ayaa daafaca u doortay xiddiga ahna Kabtanka kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos halka uu khadka dhexe u doortay Halyeeyada Zidane iyo Maradona.

Khabiirka ayaa weerarka tooska ah  u doortay Halyeeyga reer Brazil ee Ronaldo isaga oo shaxiisa ka reebay xiddigo badan oo magac ku leh kubada cagta.

Xabi Alonso's dream team in full - featuring Neuer and Ramos at the back, with Zidane and Maradona supporting forward Ronaldo

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Ma Doonaysaa In Aad Ogaato In Uu ku Jecelyahay Isaga Oo Aan Kuu Sheegin, 5-tan Arin Ee Muhiimka Ah Ayaa Kaaga Filan, Qodobka 5-aad U Fiirso.


Source: laacibfm

SHARE