Xaqiiqooyinka Cajiibka Ah Ee Laga Diwan Galiyay Kulankii Champions League Ee Xalay.

Kooxda Man City ayaa guul soo laabasho leh ka gaadhay kooxda PSG kulan ka tirsanaa lugta 1-aad ee wareega Semi-final-ka tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

Goolal ay u dhaliyeen xiddigaha Kevin De Bruyne iyo Riyad Mahrez ayaa Man City ka caawiyay in ay hal lug la gasho Final-ka tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa xaqiiqooyinka laga diwaan galiyay kulankii ay Man City garaacday PSG.

1.Neymar ayaa ku lug lahaa 67 gool 67 kulan o uu ciyaaray champions League 41 gool iyo 26 caawin.

2.Kooxda PSG ayaan wax guul ah gaadhin 4-tii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ka hor tagtay Man City marka lagu daro kulankii xalay tartamada yurub kaliya Arsenal, aC Milan iyo Juventus ayaa ah kooxo aan wax guul ah ka gaadhin koox kale iyaga oo wajahay kulamo badan.

3.Tababare Pep Guardiola ayaa hogaamiyay Kulan Semi-final-ka champions league ah markii 8-aad ee taariikhdiisa waxana uu la bar-baro yahay Jose Mourinho.

4.Daafaca kooxda PSG ee Marquinhos ayaa ah xiddiga 3-aad ee dhaliyay gool kulamada Quarter Final-ka iyo Semi-final-ka champions League kadib xiddigaha Cristaino Ronaldo iyo Antoine Griezmann.

5.Xiddiga Kevin De Bruyne ayaa ah xiddigii 4-aad ee daliya 3 kulan oo kala duwan oo champions League league ah ee uu ka hor tagay kooxda PSG kadib xiddigaha Messi, Neymar iyo Rashford.

6.Xiddiga Idrissa Gueye ayaa ah xiddigii ugu horeeyay ee laba jeer kaadhka cas looga saaro kulan champions league ah xilli ciyaareed kaliya tan ilaa markii Alvaro Arbeloa sidaas lagu sameeyay xilli ciyaareedkiin 2012/2013.

7.Taariikhda tartanka champions League waxa jiray 47 kulan oo hore oo ay koox Premier League ah badisay Lugta 1-aad ee champions League ee ay martida tahay dhamaan 47-ka jeerba kooxdaas ayaa iska xaadirisay wareega xiga.

8.Xiddiga Kylian Mbappé ayaa dhamaystay 90 daqiiqo oo kulan champions League ah waxana uu ku fashilmay in uu hal laad la helo goolka.

9.Kooxda Paris Saint-Germain ayaa kaliya hal laad la heshay goolka kooxda Man City qaybtii hore ee ciyaarta waana intii ugu yarayd ee ay koo samayso kulan champions League tan ilaaa 2016 markaas oo ay Man City sidaas samaysay.

10.Kooxda Man City ayaa ah kooxdii ugu horaysya ee Champions League ah ee badisa 10 kulan iyo wax ka badan xilli ciyaareed kaliya Halka ay Real Madrid ka mid tahay kooxda kale ee sidaas samaysay guud ahaan.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Ma Doonaysaa In Aad Ogaato In Uu ku Jecelyahay Isaga Oo Aan Kuu Sheegin, 5-tan Arin Ee Muhiimka Ah Ayaa Kaaga Filan, Qodobka 5-aad U Fiirso.


Source: laacibfm

SHARE