Xiddigaha Fursadaha Ugu Badan Khasaariyay Kulamad Oo Dhan Oo La Soo Saaray

Xiddiga kooxda chelsea ee Timo Werner ayaa rikoodh xun ku leh goolka hortiisa isaga oo ah xiddiga fursadaha ugu waaweyn khasaariyay xilli ciyaareedkan.

Xiddiga reer Germany ayaa chelsea ku yimid isaga oo ku jira qaab ciyaareed fiican waliba loo aqoonsanyahay xiddigaha ugu fiican kubada cagta wakhti xaadirkan.

Laakiin lacagtii 53 milyan ahayd ee uu ugu soo biiray kooxda ayaa u muuqata in ay tahay mid khasaartay marka loo eego qaab ciyaareedka xiddiga.

Werner ayaa caado ka dhigtay in uu si lama filaan ah u khasaariyo fursado iyada oo ay xitaa taageerayaasha kubada cagtu la qabsadeen khasaarinta fursadaha aan la khasaarin karin.

Inkasta oo uu Werner dhaliyay 11 gool tartamada oo dhan waxa uu khasaariyay 23 fursadood oo cadaan ah oo waaweyn oo ay qabteen indhaha taageerayaasha kubada cagta.

Waxa ugu dambeeyay fursadii uu Christian Pulisic u hor dhigay goolka hortiisa kulankii uu ka hor tagay kooxda Real Madrid champions league.

Xaqiiqada ayaa ah in uu Xiddiga Werner yahay xiddiga fursadaha ugu badan khasaariyay tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan horyaalka premier League.

Waxa ku xiga xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah kaas oo dhankiisa khasaariyay fursado badan xilli ciyaareedkan tartamada oo dhan isaga oo khasaariyay 22 fursadood tartamada oo dhan.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Boo 4-ta xiddig ee fursadaha ugu badan khasaariyay tartamada oo dhan premier League:

  1. Timo Werner – 23 Fursad
  2. Mohamed Salah – 22
  3. Harry Kane and Patrick Bamford – 21
  4. Jamie Vardy and Sadio Mane – 20

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Ma Doonaysaa In Aad Ogaato In Uu ku Jecelyahay Isaga Oo Aan Kuu Sheegin, 5-tan Arin Ee Muhiimka Ah Ayaa Kaaga Filan, Qodobka 5-aad U Fiirso.


Source: laacibfm

SHARE