Cristiano Ronaldo Oo Maamulka Juventus U Sheegay Go’aankiisa Kama Dambaysta Ah.

Xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo Ayaa lagu soo waramayaa in uu maamulka kooxdiisa u sheegay in uu doonayo in uu isaga tago kooxda suqua xagaaga.

Xiddiga reer Portugal ayaa ku dhibaatoonaya qaab ciyaareedka xilli ciyaareedkan waxana si weyn loola xidhiidhinayaa in uu isaga tagayo kooxda suuqa xagaaga.

Wargayska La Gazzetta dello Sport ayaa sheegaya in uu Cristiano Ronaldo maamulka Juventus u sheegay in uu doonayo in uu isaga tago kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Cristiano Ronaldo ayaa lala xidhiidhinayaa kooxaha PSG iyo Man United kuwaas oo ah labada kooxood ee kaliya ee xiisaha u muujiyay saxiixa xiddiga reer Portugal suuqa xagaaga.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Fariimo Habeen Wanaagsan Ah Oo Ayna Gabadhu Iloobi Karin, U Dir Boqorada Qalbigaaga.


Source: laacibfm

SHARE