Edinson Cavani Oo Man United Ka Hor Istaagi Kara Saxiixa Raphael Varane

Wargayska AS ayaa sheegaya in xiddiga Edinson Cavani Man United ka hor istaagi karo saxiixa daafaca kooxda Man United ee Raphael Varane sida ay sheegayaan wararku.

Kooxda Man United ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa saxiixa xiddiga kooxda Real Madrid ee Raphael Varane si ay ugu xoojiyaan daafaca dhexe xilli ciyaareedka dambe.

Dhanka kale Man United ayaa doonaysa in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga weerarka uga ciyaara ee Edinson Cavani kaas oo uu mushaharkiisu dhici doono dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Laakiin hadii ay Man United heshiis cusub ka saxiixato xiddiga Edinson Cavani waxa ay jeebka ugu shubi doontaa lacag fiican taas oo la macno ah in ayna awood u lahayn in ay bixiso mushaharka Raphael Varane.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa sheegay in uu doonayo in uu xiddiga ku sii hayo kooxda laakiin heshiiska cusub ee uu u saxiixo Man United ayaa la macno ah in ayna heli doonin saxiixa xiddiga reer France ee Raphael Varane.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Fariimo Habeen Wanaagsan Ah Oo Ayna Gabadhu Iloobi Karin, U Dir Boqorada Qalbigaaga.


Source: laacibfm

SHARE