Inter Milan Oo Farriin U Dirtay Chelsea Iyo Man City Ee Ku Aadan Saxiixa Lukaku , Miyay Iibinayaan?

Inter Milan ayaa daboolka ka qaaday halka waddo ee ay Chelsea ugu ogalaan karaan saxiixa weeraryahankooda Lukaku

Laacibkaas ayaa Chelsea horay u soo maray 2011 illaa 2014-kii balse kaliya 15 kulan ayuu u ciyaaray xilli Everton uu waqti ku qaatay oo uu ugu joogay qaab amaah ah .

Waxa ay Inter sheegeen in kaliya laacibkaas ay ku fasixi karaan aduun lacageed oo gaareysa 105 milyan oo euro

Tan iyo markii uu Inter Milan laacibkaas aaday wacdaro ayuu dhigayaa waxa ayna kooxdiisa haatan haysa hogaanka horyaalka Italy oo dhamaad ah , waxaana haatan si xooggan loola xariirinayaa Chelsea iyo Man City

Daily Mail waxa ay soo xiganeysaa in Inter ku war giliyeen Chelsea in aysan aqbaleyn wax ka yar qiimahaas oo dadka arimaha suuqa turxaan bixiya tilmaameen in inter arintaas oga gon leeyihiin in albaabada kaga xertaan damaca kooxaha doonaya laacibkooda

Laacibkaas hore United ee Lukaku ayaa hishiiskiisa Inter waxa uu ku siman yahay xagaaga 2024-ta waxa uuna xilli ciyaareedkaan dhaliyay 27 gool ka dib 40 kulan oo uu saftay kooxdaas dhamaan tartamada


Source: laacibfm

SHARE