Jan Oblak Oo Heegan Galiyay Man United & Chelsea, Maxaa Cusub.

Goolhayaha Kooxda Atletico Madrid ee Jan Oblak ayaa u muuqda mid albaabka u furay ku biirista horyaalka premier League mustaqbalka dhaw.

Oblak oo 28 jir ah ayaa ka mid ah Goolhayayaasha ugu fiican kubada cagta wakhti xaadirkan waxana uu xiiso waali ah ka helayaa kooxaha Man United iyo Chelsea.

Markii wax laga waydiiyay ka ciyaaristiisa Premeir League ayuu diiday Oblak in uu meesha ka saaro suurtagalnimo uu ugu biiri karo premier League.

“Premier League waxa uu haystaa kooxo xoogan”ayuu Oblak u sheegay Guillem Balague.

“Waxa laga yaabaa in uu yahay horyaalka ugu adag laakiin ugu dambayn wax walba waxay ku xidhantahay waxa uu tababaruhu kuu sheego”.

“Ma garanayo mustaqbalka laakiin horyaalka premier League waan ka ciyaari doonaa”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Fariimo Habeen Wanaagsan Ah Oo Ayna Gabadhu Iloobi Karin, U Dir Boqorada Qalbigaaga.


Source: laacibfm

SHARE