Klopp ” UInited Hal Arin Ayaan Ka Aragnay Kulanki Roma Balse Xaggeena Go`aan Ayaan Qaadanay”.

Tababaraha kooxda Liverpool ee Klopp ayaa hoosta ka xariiqay in kulanka ku soo wajahn ee United ee horyaalka uu yahay mid adag

United ayaa xadda marti u ah Liverpool oo ay wada ciyaarayaan kulan ka tirsan wareegga 24-aad ee horyaalka

“Kulankaas axadda waxa uu noqonayaa mid adag oo xiiso leh waayo kulankoodii Roma ayaan daawanay aad ayay u wacnaayeen , xalay xittaa samada ayay galayeen”.

” Waan dareensanahay in United dareensan yihiin in ay haystaan weli fursad horyaalka ugu tartami karaan xilli ciyaareedkaan balse arinta wacan wax aay tahay in labadeenaba dooneyno guul”

” Kaliya wax aaan xaqiijin karo waxa ay tahay in aan diyaar buuxa u nahay kulankaas , waxaan xoojineynaa kalsoonideena waayo kulankaan waa muhiim”

Waxa uu intaas sii raaciyay Klopp” kulankaan waxaan ka dagaalameynaa in aan qasaarin wax fursad ah”.

Liverpool waxa ay kulankaas galayaan iyadoo dhowr xiddig dhaawac kaga maqan yihiin sida Xherdan Shaqiri,Nathaniel Phillips,Origi , Henderson , Van Dijk , Matip iyo Gomez


Source: laacibfm

SHARE