Kooxaha Todobaadkan Ku Guulaysan Doona Horyaalada Dalkooda.

Todobaadkan waxa jiri kooxo xaqiiqsan kara horyaalada dalkooda hadii ay guulo gaadhaan ama ay natiijooyinka kooxaha kale dhankooda u dhacaan.

Kooxahan ayay 3 ka mid ah yihiin horyaalada ugu waaweyn qaarada yurub iyaga oo si Rasmi ah ugu guulaysan kara horyaalka dalkooda kadib xilli ciyaareed fiican oo ay soo qaateen.

Kooxda ugu horaysa ayaa ah Man City oo todobaadkan ku guulaysan doonta horyaalka markii 3-aad muddo 4 sano ah hadii ay ka badiyaan kooxda Crystal Palace sidoo kale Man United guuldaro kala kulanto Liverpool.

Kooxda ku xigta ayaa ah Inter Milan oo ku guulaysan doonta horyaalka Serie A-da markii ugu horaysay tan ilaa sanadkii 2010 iyaga oo xaqiiqsan doona horyaalka hadii ay ka badiyaan Crotone sidoo kale Atalanta badin waydo.

Kooxda kale ayaa ah Ajax oo markii 2-aad ku guulaysan doonta horyaalka dalka Holland muddo 6 sano ah halka kooxda ugu dambaysa tahay kooxda reer Russia ee Zenit oo horyaalka dalkooda ku guulaysan doonta markii 3-aad oo xidhiidh ah.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Fariimo Habeen Wanaagsan Ah Oo Ayna Gabadhu Iloobi Karin, U Dir Boqorada Qalbigaaga.


Source: laacibfm

SHARE