Lionel Messi Oo Go’aan Kama Dambays Ah Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa Barcelona, Maxaa Cusub?

Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa lagu soo waramayaa in uu si Rasmi ah u ogolaaday in uu sii joogo kooxda Barcelona mustaqbalkiisana u hibeeyo kooxdiisa iyada oo uu Madaxweynaha kooxda ee Joan Laporta ogolaaday in uu sameeyo saxiixyo fiican suuqa xagaaga.

Mustaqbalka xiddiga reer Argentine ayaa la hadal hayay tan ilaa markii uu dalbaday in uu isaga tago kooxda xagaagii hore.

Messi ayuu heshiiskiisa Barcelona dhici doonaa dhamaadka xilli ciyaareedkan isaga oo bartilmaameed u ahaa kooxaha PSG iyo Man City.

Laakiin Idaacada RTVE ayaa sheegaysa in uu xiddiga 6-da jeer ku guulaystay abaalmarinta Ballon d’Or ogolaaday in uu iska sii joogo kooxda Barcelona.

Warkan ayaa soo baxaya kadib markii uu madaxweynaha kooxda ee Jaon Laprte u balan qaaday xiddiga in uu suuq galin doono lacag fiican oo uu ku xoojiyo kuna keeno xiddigo fiican oo cusub xagaaga.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Fariimo Habeen Wanaagsan Ah Oo Ayna Gabadhu Iloobi Karin, U Dir Boqorada Qalbigaaga


Source: laacibfm

SHARE