Man City Oo Badalka Raheem Sterling Ka Heshay Premier League.

Kooxda Man City ayaa lagu soo aramayaa in ay xiddiga kooxda Aston Villa ee Jack Grealish u calaamdsatay badalka Tooska ah ee Xiddiga Raheem Sterling.

Raheem ayaa xilli ciyaareedkan ka baxay qorshaha Tababare Pep Guardiola isaga oo aan kooxda u ciyaarin kulamada muhiimka ah ee ay kooxdu ciyaartay uguna dambeeyay kulankii Champions League ee PSG.

Wargayska Football Insider ayaa haatan sheegaya in ay Man City isku diyaarinayso in ay iska iibiso xiddiga reer England marka la gaado suuqa kala iibsiga xagaaga.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Man City badalka Sterling u calaamdsatay xiddiga kooxda Aston Villa ee Jack Grealish kaas wacdaro ka dhigaya premier League xilli ciyaareedkan.

Raheem Sterling ayaa kooxda Man City kula jira heshiis ilaa xagaaga 2023 ah waxana lala xidhiidhinayaa kooxda Real Madrid oo u doonaysa in ay ku xoojiso garabka weerarka.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Fariimo Habeen Wanaagsan Ah Oo Ayna Gabadhu Iloobi Karin, U Dir Boqorada Qalbigaaga.


Source: laacibfm

SHARE