Maxay Man City Ka Damacsan Tahay Raheem Sterling Miyaa La Iibinayaa ?

Man City ayaa lagu waramayaa in ay u furan yihiin in ay iska iibiyaan Raheem Sterling si qarashka ka soo galaya ugu xoojistaan qiimaha Haaland iyo Jack Grealish oo ay ka doonayaan Dortmund iyo Aston Villa

City ayaa la filayaa in weeraryahan cusub u dhaqaaqdo xagaaga waxaana liiskeeda ugu horeeya Haaland halka sidoo kale Jack Grealish la xariirinayo isna

Football Insider ayaa sheegeysa in City qorsheynayaan in iska iibiyaan Raheem si qarashka uu keeno ugu xoojistaan lacagta ay ku baadi goobayaan Haaland

Raheem ayaa ka sii dhacaya shaxda asaasiga City waxa uuna macalinka ku iloobaa kursiga badelka.

Laacibkaas 26 snao jirka ah hishiiskiisa City waxa uu dhacayaa xagaaga 2023-ka waxa uuna xilli ciyaareedkaan dhaliyay 13 goo halka 11 kale uu sameeyay ka dib 43 kulan dhamaan tartamada ah


Source: laacibfm

SHARE