Messi, Lukaku, Alaba, Coutinho, Sterling & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Waxa lagu jiraa bilihii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedyada yurub waxana haatanba bilaabanaya dhaq-dhaqaaqa suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo koox walba bilaabayso sii indha-indhaynta xiddigaha ay u dhaqaaqi doonaan suuqa xagaaga.

Xiddigo badan ayaa la filayaa in ay ku biiraan kooxo cusub iyada oo sidoo kale kooxo badan la filayo in ay suuqa galiyaan lacag si ay u helaan saxiixyada xiddigaha ay doonayaa.

Hadaba kooxda.com ayaa si maalinle ah idiinku soo gudbin doonta wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga.

Kooxda Borussia Dortmund ayaa tartanka loogu jiro saxiixa daafaca Ben White kula biiray kooxaha PSG, Man United iyo Arsenal (Sun).

Kooxda Aston Villa ayaa diyaar u ah in ay dalab Rasmi ah ka gudbisay saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Chelsea ee Tammy Abraham (Mirror).

Xiddiga kooxda Barcelona ee Philippe Coutinho ayaa ku dhaw in uu ku soo laabto magaalada Liverpool isaga oo ku dhaw in uu ku biiro kooxda Everton (Sun).

Kooxda Inter Milan ayaa kooxaha Man City iyo chelsea u sheegay in ay diyaar u yihiin in ay dhagaystaan dalabyada u imanaya xiddiga Romelu Lukaku (Calciomercato).

Kooxda chelsea ayaa diyaar u ah in ay xiddiga reer Belguim ka bixiso 105 milyan oo euro suuqa xagaaga si ay u hesho saxiixiisa (Mail).

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Atletico Madrid ee Luis Suarez ayaa Xiddiga Lionel Messi u sheegay in uu iska sii joogo kooxda Barcelona (TV3).

Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa u sheegay maamulka kooxdiisa in uu sii joogi doono kooxda heshiis cusubna u saxiixi doono (Times).

Kooxda Real Madrid ayaa isku diyaarinaysa in ay ku dhawaaqdo saxiixa xiddiga daafaca David Alaba kaas oo la filayo in ay saxiixiisa ku dhawaaqdo 1 bisha May ee ku beegan maalinta Sabtida (Mundo Deportivo).

Kooxda chelsea ayaa doonaysa in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga daafaca uga ciyaara kooxdeeda ee Andreas Christensen (Metro).

Xiddiga Sergio Ramos ayaa ogolaaday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Real Madrid isaga oo hoos u dhigaya mushaharkiisa (AS).

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay hogaaminayso tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda PSV Eindhoven ee Donyell Malen (Mail).

Xiddiga garabka ka ciyaara ee Raheem Sterling ayaa lagu soo waramayaa in uu isaga tagi doono kooxda Man City xagaaga kadib markii uu ka baxay qorshaha Pep Guardiola (Don Balon).

Kooxda Liverpool ayaa isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo xiddiga khadka dhexe ee kooxda Borussia Monchengladbach ee Florian Neuhaus si ay ugu buuxiso booska Georginio Wijnaldum (Bild).

Kooxda Liverpool ayaa sidoo kale doonaysa saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Brighton ee Yves Bissouma (Athletic).

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Tottenham ee Harry Kane ayaa Albaabka u furay ku biirista kooxda Man United suuqa xagaaga (Dagbladet).

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Fariimo Habeen Wanaagsan Ah Oo Ayna Gabadhu Iloobi Karin, U Dir Boqorada Qalbigaaga.


Source: laacibfm

SHARE