Miyuu Cavani Ka Badalay Go`aankiisa Bixitaanka , Xog Cusub Ayaa Soo Baxday

Ilo wareedyo ay qorayaan saxaafadda Ingiriiska ayaa sheegaya in Cavani uu badalay go`aankiisa ku aadanaa in kooxda United uu ka huleelo .

Cavani ayaa United ugu yimid qaab xor ah xagaagii la soo dhaafay ka dib markii uu soo dhameystay hishiiskiisa PSG.

Hishiiskiisa haatan waxa uu ku siman xagaaga dambe balse waxaa jira qodob xusaya in sanad dheeraad ah uu ku sii dari karo .

Aabaha Cavani ayaa horay u sheegay in wiilkiisa uu dib ugu laabanayo Latin America marka xilli ciyaareedka uu dhamaado maadaama qanacsanaan weyn uusan ku haysan United .

Waxa ay wararkaas tilmaamayeen in Cavani doonayo in uu aado horyaalka Argentina gaar ahaan kooxda Boca Juniors

Haatan ESPN ayaa xuseysa in go`aankii Cavani ay wax iska badaleen ee ku aadan in Old Trafford ka huleelo dhamaadka xilli ciyaareedkaan .

Waxa ay sheegeen in Cavani uu kooxda la sii joogayo xilli ciyaareedka dambe taasina uu ku war giliyay maamulka kooxdaas


Source: laacibfm

SHARE