Sergio Ramos Oo Qaaday Talaabo Ka Caawinaysa In Uu Sii Joogo Real Madrid.

Kabtanka kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa lagu soo waramayaa in uu ogolaaday in uu hoos u dhigo mushaharkiisa si uu kooxda ugu saxiixo heshiis cusub oo uu ku sii joogi doono.

Xiddiga reer Spain ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa in uu isaga tagayo kooxda Real Madrid marka uu dhoco heshiiskiisa kooxda Real Madrid xagaaga.

Laakiin wargayska Mundo Deportivo ayaa sheegaya in uu Ramos qarka u saaranyahay in uu kooxda u saxiixo heshiis cusub kadib markii uu ogolaaday heshiis cusub.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu xiddiga 35 jirka ah ogolaaday heshiis 2 sano ah laakiin diyaar u yahay in uu hoos u dhigo mushaharkiisa haatan ee uu kooxda uga qaato 315 kun ee Gini todobaadkii.

Ramos ayaa la sheegayaa in uu la kulmay madaxweynaha kooxda isaga oo u sheegay in uu diyaar u yahay in uu is dul dhigo qalinka iyo warqada kuna duugo heshiis cusub oo uu kooxda ku sii joogi doono.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Fariimo Habeen Wanaagsan Ah Oo Ayna Gabadhu Iloobi Karin, U Dir Boqorada Qalbigaaga.


Source: laacibfm

SHARE