Tartanka Horyaalka La Liga Oo Meel Xiiso Leh & 3 Dhibcood Oo U Dhexeeya 4-ta Kooxood Ee Ugu Sareeya Horyaalka.

Kooxda Barcelona ayaa si lama filaan a u siibatay kulankii Granada ee Khamiistii kadib markii ay ku hor martay gool iyaga oo guuldaro 2/1 ah la kulmay kuna fashilmay in ay hogaanka u qabaan horyaalka.

Natiijadaas ayaa la macno ah in tartanka horyaalka La Liga sii xoogaysanayo waliba yeelanayo xiiso waali ah oo aan lau arkin sanadihii ugu dambeeyay.

Arinta xiisaha u yeelaysa ayaa ah in ay 4-ta kooxood ee ugu sareeya horyaalka ay kala sareeyaan kaliya 3 dhibcod xilli 5 kulan ka dhimantahay dhamaadka xilli ciyaareedka ee horyaalka La Liga.

Tartanka Horyaalka ayaa ah mid furan iyada oo Atletico Madrid hogaaminayso laakiin kaliya 2 dhibcood ka dambayso kooxaha Real Madrid iyo Barcelona halka ay 3 dhibcood ka dambayso kooxda Sevilla.

Kulamada soo socda ayaa go’aamin doona xilli ciyaareedka marka loo eego in ay dhamaan 4-ta kooxood ee soo socda isla ciyaari doonaan ka hor dhamaadka xilli ciyaareedka.

Barcelona ayaa la ciyaari doonta Atletico Madrid, Halka ay Real Madrid la ciyaari doonto kooxda Sevilla waxana isha lagu hayn doonaa kulamadaas soo socda.

Image

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Fariimo Habeen Wanaagsan Ah Oo Ayna Gabadhu Iloobi Karin, U Dir Boqorada Qalbigaaga.


Source: laacibfm

SHARE