WARBIXIN: Kooxaha Premier League Oo Ugu Cad-Cad In Ay Isugu Yimaadaan Final-da Tartamada Yurub Xilli Ciyaareedkan.

Kooxaha premier Leageu ayaa talaabo u qaaday in ay dhamaantood isugu yimaadaan Final-dada tartamada yurub ee xilli ciyaareedkan kadib kulamadii lugta 1-aad ee la ciyaaray Semi-final-ka.

Champions League kooxaha chelsea iyo Man City ayaa talaabo u qaaday in ay iska xaadiriyaan Final-ka sidii sanadkii 2019 markii ay laba kooxood isaga hor yimaadeen final-ka champions League.

Kooxda Man City ayaa PSG ku soo garaacday Garoonkeeda waxana ay haatanab hal lug la gashay Final-ka champions League markii ugu horaysay taariikhdooda iyaga oo ugu cad-cad in ay gaadhaan final-ka tartanka.

Dhanka kale kooxda chelsea ayaa bar-baro Real Madrid kula soo gashay iyaga oo soo dhaliyay gool marti ah oo muhiim ah kaas oo go’aamin kara in ay chelsea iska xaadiriso Final-ka tartanka markii ugu horaysay tan ilaa 2012 markaas oo ay ku guulaysteen koobka.

Hadii aan ka hadalno Europa League kooxaha Man United iyo Arsenal ayaa ugu cad-cad in ay iska xaadiriyaan Finalka Tartanka iyaga oo iska xaadirin kara tartanka sidii ay laba kooxood oo premier League ah isugu arkeen final-ka sidii sanadkii 2019 markaas oo ay wada ciyaareen Arsenal iyo Chelsea.

Man United ayaa guul weyn oo 6/2 ah ka gaadhay kooxda Roma waxana ay haatanba hubtaa in ay gaadhay final-ka tartanka Europa League marka loo eego in aan la filayn in ay Roma dhaliso 4 gool kulanka lugta 2-aad.

Dhanka kale Arsenal ayaa guuldaro 2/1 ah kala kulantay kooxda Vilarreal laakiin Gunners ayaa dhalisay gool muhiim ah oo marti ah maadama ay kulanka lugta 2-aad kaliya u baahanyihiin guul 1/0 ah si ay isaga xaadiriyaan finalka tartanka Europa League.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Fariimo Habeen Wanaagsan Ah Oo Ayna Gabadhu Iloobi Karin, U Dir Boqorada Qalbigaaga.


Source: laacibfm

SHARE