Ka Dib Ciyaar Xiisad Laheyd : Real Madrid Oo Guul Qaali Ah Ka Gaartay Osasuna

Ka dib fursado ay iska qasaariyeen qeybtii koowaad , Real ayaa dhamaadkii guul qaali ah ka gaartay Osasuna oo aan ka faa`ideysan fursadihii ay heleen

Sheekada labada qeyb : Real iyo Osasunaayaa nasiinada ku aaday bar bar dhac bilaa goolal ah xilli qeybtaas hore uu is hor taagay goolhayaha Osasuna.

Heer kubad hayshada Real ee qeybtaas waxa ay gaareysay %57 waxa ayna ka sheegteen qasaarinta fursado xaqiiqo ah iyo in diiradda aysan saareyn .

Osasuna waxa ay ku tiirsanaayeen kubadaha rogaal celiska ah oo mararka qaar halis ahaa waxaana daqiiqadii 44-aad laga diiday gool sababo la xariira Offside .

Real waxa ay qeybta hore ka sheegteen go`aano qaadasho deg deg ah taasi oo halistooda qasaarineysay .

Real soo laabashadii waxa ay soo giliyeen Nacho Fernandez oo loo saaray Varane , waxaana biloowgii qeybta labaad halis aheyd Osasuna oo fursado iska qasaarineysay balse kubad hayshada Real ayay aheyd .

Kooxda Zidane iyaga aya kubadda ku badnaa balse xalka weerarka ah ayaa ka maqnaa halka kooxda martida iska qasaarinayeen fursado kulammaa kubadah rogaal celiska weeraraan Real.
Real waxa ay u muuqdeen kuwo ka fikrayay kulanka Champion-ka ee Chelsea , waxa uuna Zidane daqiiqadii 64-aad soo giliyay Miguel Gutierrez iyo Rodrygo oo loo saaray Marcelo iyo Junior
Real qeybta labaad wax halis ah kuma sameyn goosha kooxda martida waxa ayna bilaabeen in kubadaha garbaha ka fur furaan xilli Real daqiiqaddii 72-aad ay soo giliyeen Isco oo loo saaray Hazard .

Ka dib cadaadis ayay bilaabeen Real kubadana waa ay gaarsiinayeen goosha Osasuna waxa ayan ugu dambeyn keeneen gool uu dhaliyay Eder Militao daqiiqadii 76-aad waxaana koornada soo tuuray Isco

Ka dib goolkaas , niyadda ayaa u dhisantay Real waxa ayna sii xoojiyeen cadaadiska maadaama wel-elka ka yaraaday waxa ayna keeneen gool labaad waxaana dhaliyay Casemiro daqiiqadii 80-aad waxaana ka shaqeeyya Benzema , ka dib Zidane waxa uu soo giliyay Arribas oo loo aaray Assensio

Si waliba oo ay ahaato Real ayaa ku dhameysay ciyaarta laba gool


Source: laacibfm

SHARE