Lionel Messi Oo Barcelona Ka Caawinaya Saxiixa Erling Haaland, Qaab Noocee Ah?

Lionel Messi ayaa lagu soo waramayaa inuu ku wargaliyay Barcelona inuu diyaar u yahay inuu aqbalo mushahar dhimis si uu uga caawiyo kooxda inay la soo saxiixato Xiddiga Borussia Dortmund Erling Braut Haaland.

Heshiiska xiddiga reer Argentine ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedkan laakiin waxa la sheegayaa in uu kooxda u saxixi doono heshiis cusub oo 10 sano ah.

Sida laga soo xigtay Eurosport, Messi ayaa u sheegay madaxweynaha Barca Joan Laporta inuu aqbali doono Mushahar dhimis si uu kooxda uga caawiyo lacagta ay kula soo saxiixan lahayd Haaland.

Wararka ayaa sheegaya in uu xiddiga Messi si aad ah u doonayo in ay kooxdu la soo saxiixato xiddigo fiican si ay xilli ciyaareedka dambe ugu tartamaan koobabka uguna horeeyo champions League.

Barcelona ayaa ka mid ah kooxaha lala xidhiidhinayo xiddiga Haaland Messi ayaana doonaya in uu hubiyo in uu ku soo biiro kooxda Barcelona marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Gabadheey Ma Doonaysaa In Uu Guulaysto Kulankaaga Ugu Horeeya Ee Gacaliyahaaga, 4-tan Arin Ka Fogow, Ma Fiicna.


Source: laacibfm

SHARE