Man City Oo Garaacday Crystal Palace Talaabo Kalena U Qaaday Ku Guulaysiga Horyaalka Premier League.

Kooxda Man City ayaa garaacay kooxda Crystal Palace kulan ka tirsanaa premier League waliba talaabo muhiim ah u qaaday ku guulaysiga horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.

Kulanka ayaa ahaa mid adag qaybtii hore iyada oo ay Crystal Palace iska caabisay kooxda hogaaminaysa horyaalka premier League iyaga oo si fiican u difaacday goolkooda.

Si kasta ha ahaatee Crystal Palace ayaa ku dhibaatootay in ay weeraro qaado iyaga oo aan in badan hor tagin goolka kooxda Man City kuwaas oo dhankooda maamulayay ciyaarta.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay bar-baro 0/0 ah inkasta oo ay Man City heshay fursado fiican oo ay ku dhalin karto goolal ciyaartana hogaanka ugu qaban karto.

Qaybtii dambe ayay Man City si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolal ay ciyaarta wax uga badalaan xilli ay Crystal Palace wali daafaca ku adkaysanayso.

Daqiiqadii 57-aad ayay Man City dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Sergio Aguero kaas oo ugu dambayn ku soo laabtay gool dhalinta kooxdiisana gool u dhaliyay.

Wixii intaas ka dambeeyay Crystal Palace ayaa daafaca ka baxday si ay u dhaliso goolka bar- baraha laakiin arintaas ayaa faa’iido u ahayd kooxda Man City maadama ay ciyaartii u fur-furantay.

Daqiiqadii 59-aad ayay Man City sii dheeraystay hogaanka ciyaarta kadib markii uu xiddiga Ferran Torres u dhaliyay goolka 2-aad isaga oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay man City gaadhay guul qaybta dambe ah waliba talaabo kale oo muhiim ah ugu qaaday ku guulaysiga horyaalka premier League.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Gabadheey Ma Doonaysaa In Uu Guulaysto Kulankaaga Ugu Horeeya Ee Gacaliyahaaga, 4-tan Arin Ka Fogow, Ma Fiicna.


Source: laacibfm

SHARE