Mino Raiola Oo Ka Hadlay Heshiiska Is Dhaafsiga Ah Ee Man United & Real Madrid

Wakiilka caanka ah ee Mino Raiola ayaa sheegay in ay kooxaha Man United iyo Real Madrid is dhaafan karaan xiddigaha Paul Pogba iyo Eden Hazard suuqa xagaaga.

Pogba ayaa ku jira sanadkiisii ugu dambeeyay ee heshiiskiisa Man United waxana si weyn loola xidhiidinayaa in uu isaga tagi doono kooxda xagaaga.

Dhanka kale Eden Hazard ayaa ku dhibaatoonaya dhaawacyo isaga oo aan soo bandhigin qaab ciyaareedkii lagu yaqaanay markii uu joogay horyaalka premier League.

Waxa soo baxay warar sheegaya in ay kooxda Man United iyo Real Madrid doonayaan in ay is dhaafsadaan labada xiddig ee Hazard iyo Pogba suuqa kala iibsiga xagaaga.

Mino Raiola oo la hadlaya wargayska AS ayaa yidhi”Hadii ay Real Madrid doonayso in ay Hazard ku badalato Pogba oo ay dhamaan 4-ta dhinac ee labada xiddig iyo labada kooxood ka heshiiyaan,maxaa diiday?

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Gabadheey Ma Doonaysaa In Uu Guulaysto Kulankaaga Ugu Horeeya Ee Gacaliyahaaga, 4-tan Arin Ka Fogow, Ma Fiicna.


Source: laacibfm

SHARE