Mohamed Salah Oo Shaki Saaray Taageerayaasha Liverpool, Mustaqbalkiisa Ayuu Ka Hadlay

Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa si maldahan in uu doonayo in uu sii joogo kooxda Liverpool wakhtiga soo socda isaga oo meesha ka saaray wararla xidhiidhinayay Real Madrid iyo Barcelona.

Mohamed Salah ayaa ku jira xilli ciyaareed kale oo cajiib ah isaga oo dhaliyay 20 gool oo horyaalka premier League ah laakiin kooxdiisa ayaa dhibaatoonaysa xilli ciyaareedkan.

Xiddiga Mohamed Salah oo Liverpool kula guulaystay koobabka Champions League iyo Premier League ayaa sheegay in uu doonayo in uu mar kale kula guulaysto kooxda koobabkaas ka hor inta uuna ka tagin kooxda.

Isaga oo la hadlaya Sky Sport ayuu Salah yidhi”Waxa aan horay u sheegay in aan doonayo in aan mar kale Liverpool kula guulasto champions League iyo Premier League waana wax aan doonayo in aan sameeyo”.

“Waa wax fiican in koobabkaas lagu guulaysto sidaas darteed waxa aan doonayaa in aan mar kale kula guulaysto kooxda Liverpool”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Gabadheey Ma Doonaysaa In Uu Guulaysto Kulankaaga Ugu Horeeya Ee Gacaliyahaaga, 4-tan Arin Ka Fogow, Ma Fiicna.


Source: laacibfm

SHARE