Real Madrid & Man United Oo Doonaya In Ay Is Dhaafsadaan Laba Xiddig Oo Waaweyn

Kooxaha Real Madrid iyo Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay doonayaan in ay iska dhaafsadaan laba xiddig oo waaweyn marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga ee dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Wargayska Don Balon ayaa sheegaya in ay labada kooxood doonayaan in ay is dhaafsadaan xiddigaha Paul Pogba iyo Eden Hazard marka la gaadho suuqa xagaaga ee dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Kooxda Real Madrid ayaa si aad ah u doonaysa saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba maadama xiddiga Luka Modric ku jiro sanadihii ugu dambeeyay ee xirfadiisa ciyaareed waxana ay Pogba u aragtaa badalka mustaqbalka fog ee xiddiga.

Dhanka kale Man United ayaan joojin xiisaha ay u qabto xiddiga Eden Hazard tan ilaa markii uu joogay kooxda chelsea waxana ay haatan u arkaan fursadooda ay ku heli karaan saxiixa xiddiga.

Xiddiga Eden Hazard ayaa ku dhibaatoonaya kooxda Real Madrid tan ilaa markii uu ku biiray sabab la xidhiidha dhaawac joogto ah oo xiddiga u diiday in uu soo bandhigo tayadiisa.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Gabadheey Ma Doonaysaa In Uu Guulaysto Kulankaaga Ugu Horeeya Ee Gacaliyahaaga, 4-tan Arin Ka Fogow, Ma Fiicna.


Source: laacibfm

SHARE