Ronald Koeman Oo Kashifay Halka Wado Ee Ay Barcelona Ugu Guulaysan Doonto Horyaalka La Liga

Tababaraha Kooxda Barcelona ee Ronald Koeman ayaa kashifay in ay jirto fursad fiican oo ay kooxdiisu ugu guulaysan karto horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan inkasta oo ay guuldaro kala kulmeen kooxda Granada.

Barcelona ayaa guuldaro kala kulantay kooxda Granada iyaga oo iska khasaariyay fursad ay hogaanka horyaalka la Liga ugu qaban lahaayeen laakiin haatan waxa ay 2 dhibcood ka dambeeyaan kooxda Atletico Madrid.

Ronald Koeman ayaa la hadlay saxaafada ka hor kulanka Valencia waxana uu sheegay halka wado ee ay kooxdiisu gu guulaysan karto horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.

Koeman oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxa waajib nagu ah in aan saxno khaladaadka daafaca, u jeedkeenu waa in aan guul gaadhno dhamaan kulamada noo hadhay”.

“Halka wado ee aan ugu guulaysan karno horyaalka ayaana sidaas ah”ayuu Koeman sii raaciyay hadalkiisa.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Gabadheey Ma Doonaysaa In Uu Guulaysto Kulankaaga Ugu Horeeya Ee Gacaliyahaaga, 4-tan Arin Ka Fogow, Ma Fiicna.


Source: laacibfm

SHARE