Aguero, Pogba, Salah, Messi, Ronaldo, Van de Beek, Lewandowski, Sancho & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Waxa lagu jiraa bilihii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedyada yurub waxana haatanba bilaabanaya dhaq-dhaqaaqa suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo koox walba bilaabayso sii indha-indhaynta xiddigaha ay u dhaqaaqi doonaan suuqa xagaaga.

Xiddigo badan ayaa la filayaa in ay ku biiraan kooxo cusub iyada oo sidoo kale kooxo badan la filayo in ay suuqa galiyaan lacag si ay u helaan saxiixyada xiddigaha ay doonayaa.

Hadaba kooxda.com ayaa si maalinle ah idiinku soo gudbin doonta wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga.

Kooxaha Everton, Chelsea, Tottenham, Inter Milan & Barcelona Oo Isku baacsanaya saxiixa xiddiga kooxda Man City ee Sergio Aguero (Star).

Kooxda Man United ayaa iska iibin doonta xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United ee Paul Pogba hadii uuna heshiis cusub u saxiixin kooxda (Sun).

Xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah ayaa sheegay in ayna Liverpool wali wax wadahadalo heshiis kordhin ah la furin kooxda (Sky Sports).

Si kasta ha ahaatee Mohamed Salah ayaa sheegay in uu doonayo in uu sii joogo kooxda Liverpool (Sky Sports).

Kooxda Man United ayaa diidi doonta dalab  walba oo u yimaada xiddiga khadka dhexe ee Donny van de Beek suuqa kala iibsiga xagaaga (Sun).

Kooxda Ac Milan ayaa doonaysa saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Chelsea ee Tammy Abraham (Standard).

Kooxda Arsenal ayaa ku kalsoon in ay dhamaystiri doonto saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Brighton ee Yves Bissouma (Star).

Milkiilaha kooxda Arsenal ee Stan Kroenke ayaa lagu soo waramayaa in uu kooxda dhigay suuqa kadib cadaadis xoogan oo uga yimid taageerayaasha Kooxda (Mail).

Xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa lagu soo waramayaa in uu ku qanacsanyahay ku laabashada Man United xilli ay sii xoogaysanayaan wararka la xidhiidhinaya ka tagistiisa kooxda Juventus (Express).

Kooxda PSG ayaa isaga baxday baacsigii ay ugu jirtay saxiixa xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi (L’Equipe).

Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay ka fiirsanayso in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga Robert Lewandowski xilli ay suuqa ugu jirto weeraryahan cusub (Sky Deutschland).

Kooxda Liverpool ayaa diyaar u ah in ay iska iibiso xiddiga khadka dhexe ee Naby Keita marka la gaadho suqua xagaaga (Echo).

Rajada Kooxda Liverpool ee Helitaanka saxiixa xiddiga kooxda Borussia Dortmund ee Jadon Sancho ayaa ku xidhan u soo bixista Reds ee champions League (Bild).

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 4 Waddo Oo Khaldan Oo Fashil Ah Oo Ay Ragga Qaar Jacaylkooda Ugu Soo Bandhigaan Gabadha Ay Jecelyihiin, Iska Ilaali Ninow.


Source: laacibfm

SHARE