Arsenal Oo Garaacday Newcastle United Kuna Soo Laabatay Wadada Guulaha

Kooxda Arsenal ayaa gaadhay guul ay u qalmeen iyaga oo garaacay kooxda Newcastle United kulan dhinac kaliya ahaa.

Qaybta Hore:

Arsenal ayaa si dar-dar ah ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo doonayay in ay Newcastle kaga naxsadaan gool furitaan ah xilli ay kooxda Newcastle United difaacanaysay.

Daqiiqadii 5-aad ayay Arsenal dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Mohamed Elneny kaas oo hogaan wakhti hore ah u dhiibay kooxdiisa kana dhigay ciyaarta 1/0.

Arsenal ayaa sii waday dadaalka ay ku doonaysay goolasha xilli ay Newcastle lafteedu qaadaysay weeraro rogaal celis ah oo ay dhawr mar ku halis galisay kooxda Arsenal.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Arsenal ku fiicnayd dhanka natiijada iyo waliba qaab ciyaareedka waliba Newcastle ka dhalin kartay goolal intaa ka badan.

Qaybta Dambe:

Qaybtii dambe ayay Arsenal sii waday raadinteeda goolasha kale si ay u disho natiijada ciyaarta xilli ay Newcastle raadinaysay sidii ay u dhalin lahayd goolka bar-baraha ciyaarta.

Daqiiqadii 66-aad ayay Arsenal dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay kabtankooda Pierre-Emerick Aubameyang kaas oo hogaanka ciyaarta u sii dheereeyay kooxdiisa.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Arsenal sidaas ku gaadhay guul ay u qalanto waliba ugu soo laabatay wadada guulaha premier League kadib markii ayna guul gaadhin 2-dii kulan ee ugu dambeeyay.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 4 Waddo Oo Khaldan Oo Fashil Ah Oo Ay Ragga Qaar Jacaylkooda Ugu Soo Bandhigaan Gabadha Ay Jecelyihiin, Iska Ilaali Ninow.


Source: laacibfm

SHARE