Borussia Dortmund Oo Heegan Galisay Man United & Liverpool, Arinta Sancho Ayay Soo Hadal Qaadeen.

Agaasimaha Kooxda Borussia Dortmund Michael Zorc ayaa qirtay in Jadon Sancho la iibin karo xagaagan.

Manchester United ayaa ku dhawaatay inay la wareegto Sancho sanadkii hore laakiin kooxda ka dhisan Old Trafford ayaa diiday in ay bixiso lacagtii ay Dortmund dalbanaysay wakhtigaa laakiin labada kooxood ee Liverpool iyo Man United aaya lala xidhiidhinayaa xiddiga haatan.

“Waxa aan mar horeba heshiis is af garad ah la gaadhnay Sancho sanadkii hore kaas oo ah in uu isaga tagi karo kooxda hadii ay xaalado gaar ah dhacaan”ayuu Zorc u sheegay ARD.

“Wuxuu nala joogay dhowr sano”ayuu hadalkiisa sii raaciyay

Warkan ayaa farxad u ah kooxaha Man United iyo Liverpool oo doonaya saxiixa xiddiga reer England marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 4 Waddo Oo Khaldan Oo Fashil Ah Oo Ay Ragga Qaar Jacaylkooda Ugu Soo Bandhigaan Gabadha Ay Jecelyihiin, Iska Ilaali Ninow.


Source: laacibfm

SHARE