CHAMPIONS!!! Inter Milan Oo Si Rasmi Ah Ugu Guulaystay Horyaalka Serie A-da Markii Ugu Horaysay Muddo 11 Sano Ah.

Kooxda Inter Milan ayaa si Rasmi ah ugu guulaystay horyaalka Serie A-da xilli ciyaareedkan markii ugu horaysay muddo 11 sano Ah.

Kooxda Inter Milan ayaa ku guulaystay horyaalka Serie A-da kadib markii ay Atalanta bar-baro la gashay kooxda Sassoulo kulan ka tirsanaa horyaalka Serie A-da.

Inter Milan ayaa ku guulaystay horyaalka kadib xilli ciyaareed cajiib ah oo ay soo qaadatay xilli ciyaareedkan waliba gaadhay guulo muhiim ah sidoo kale garaacday kooxo badan.

Inter Milan ayaa soo afjartay muddo 9 sano ah oo ay Kooxda Juventus ku guulaysanaysay horyaalka Serie A-da iyaga oo dhulka dhinaca u dhigay kooxda Juventus ee macmiilka ka dhigatay horyaalka.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 4 Waddo Oo Khaldan Oo Fashil Ah Oo Ay Ragga Qaar Jacaylkooda Ugu Soo Bandhigaan Gabadha Ay Jecelyihiin, Iska Ilaali Ninow.


Source: laacibfm

SHARE