Hordhac: Valencia Vs Barcelona: Blaugrana Oo Ku Qasban In Ay Gaadho Guul Hadii Ay Rajo Ka Qabto Ku Guulaysiga Horyaalka.

Kooxda Barcelona ayaa marti u noqon doonta kooxda Valencia kulan ka tirsan todobaadkii 34-aad ee horyaalka La Liga kulan ka dhici doona garoona Mestalla ee ay ku ciyaarto Valencia.

Barcelona ayaa kulanka soo galaya iyaga oo ku qasban in ay guul ka gaadhaan kulanka hadii ay doonayaan in ay cadaadiska ku sii hayaan kooxaha reer Madrid ee ka horeeya kadib guul ay gaadheen kulamadoodii.

Dhanka kale kooxda Barcelona ayaa doonaysa in ay ku soo laabato wadada guulaha kadib markii ay kuftay kulankii bartamihii todobaadka ee ay la ciyaaraysay kooxda Granada.

Kulanka: Valencia Vs Barcelona

Tartanka: La Liga

Wakhtiga: 10:00

Garoonka: Mestalla.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Valencia ayaa badisay kaliya hal kulan 9-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ka hor tagtay Barcelona horyaalka La Liga inkasta oo ay xilli ciyaareedkii hore garaacday kulankii wakhtigan oo kale.

Kooxda Barcelona ayaa ah kooxda guulaha ugu badan ka gaadhay Valencia marka ay ku booqato garoonkeeda Mestalla horyaalka La Lia waxana ay gaadheen 33 guul.

Barcelona ayaan guul gaadhin 3-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay booqatay garoonka Valencia ee Mestalla horyaalka La Liga waana rikoodhkoodii ugu xumaa ee garoonkaas tan ilaa April 1992.

Valencia ayaan laga badin 8-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ku ciyaartay garoonkeeda waana kooxda rikoodhka ugu fiican ku leh garoonkooda haatan.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 4 Waddo Oo Khaldan Oo Fashil Ah Oo Ay Ragga Qaar Jacaylkooda Ugu Soo Bandhigaan Gabadha Ay Jecelyihiin, Iska Ilaali Ninow.


Source: laacibfm

SHARE