Hordhaca: Man United Vs Liverpool & Newcastle Vs Arsenal: Wax Walba Oo Aad Uga Baahantahay Labada Kulanka.

Kulanka ugu xiisaha badan todobaadkan ayaa dhexmari doona kooxaha Man United iyo Liverpool kulan ka dhici doona Old Trafford kana tirsan todobaadkii 34-aad ee horyaalka premier League.

Dhanka kale Kooxda Arsenal ayaa marti u noqon doonta kooxda Newcastle United kulan ay raadinayso in ay ku soo laabato wadada guulaha horyaalka premier League.

Kooxda Liverpool ayaa Old Trafford booqanaysa iyada oo u baahan in ay guul gaadho hadii ay doonayso in ay sii noolayso rajadeeda u soo bixista champions League xilli ciyaareedka dambe Kulankuna waxa uu soo dhici doonaa 6:30 galabnimo.

Dhanka kale Arsenal ayaa doonaysa in ay si fiican ku dhamaysato xilli ciyaareedkooda premier League waliba raadinaya guul premier League ah tan ilaa guushii Sheffield United waxana uu kulanku soo gali doonaa 2:30 duhurnimo.

XAQIIQOOYINKA KULAMADA:

Manchester United ayaa laga badiyay kaliya hal kulan oo ka mid ah 15kii kulan ee ugu danbeysay ee ay gurigooda kula ciyaaraan Liverpool tartamada oo dhan, Waxana ay guuldaro la’aan yihiin sideedii kulan ee ugu dambeysay, tan iyo bishii March 2014.

Newcastle United ayaa laga badiyay kaliya hal kulan sideedii kulan ee ugu dambeysay Premier League.

Marcus Rashford ayaa si toos ah ugu lug lahaa shan gool afartiisii ​​kulan ee ugu dambeysay oo uu gurigiisa kula ciyaaray Liverpool tartamada oo dhan, wuxuu dhaliyay afar gool midna wuu caawiyay.

Newcastle United ayaa laga dhaliyay waliba dhalisay gool sideedii kulan ee ugu dambeysay ee ay ku ciyaareen garoonkooda wax guuldaro ahna lama kulmin 5-tii kulan ee ugu dambaysay ee ay ku ciyaareen St James ’Park.

Liverpool ayaa laga badiyay kaliya hal kulan oo ka mid ah sagaalkii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League ee ay la ciyaareen Man Utd.

Arsenal ayaa badisay 15 ka mid ah 16-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaartay Newcastle.

Jurgen Klopp ayaa raadinaya guushiisii ​​ugu horreysay ee Old Trafford, isku daygii toddobaad, waxa uu booqday man United kulamada ugu badan ee uuna wax guul ah ka gaadhin waana kooxda ugu badan ee sidaas ku samaysa xirfadiisa ciyaareed.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 4 Waddo Oo Khaldan Oo Fashil Ah Oo Ay Ragga Qaar Jacaylkooda Ugu Soo Bandhigaan Gabadha Ay Jecelyihiin, Iska Ilaali Ninow.


Source: laacibfm

SHARE