Inter Milan & Man City Oo Maanta Ku Guulaysan Doona Horyaaladooda Iyaga Oo Aan Xitaa Ciyaarin, Maxay U Baahanyihiin.

Kooxda Man City ayaa garaacday kooxda Crystal Palace Sabtidii iyaga oo talaabo kale u qaaday ku guulaysia horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Dhanka kale kooxda Inter Milan ayaa garaacday kooxda Crotone iyaga oo dhankooda talaabo weyn u qaaday ku guulaysiga horyaalka Serie A-da iyo ka bixista abaarta koobabka horyaalka.

Kooxda Man City ayaa haatan 13 dhibcood ka horeeya kooxda Man United waxana ay maanta si Rasmi ah ugu guulaysan doontaa hadii ay Man United guuldro kala kulanto Liverpool kulanka 6:30 soo galaya.

Dhanka kale kooxda Inter Milan ayaa ku guulaysan karta horyaalka Serie A-da markii ugu horaysay muddo 10 sano ah maanta Atalanta ku fashilanto in ay guul ka gaadho kooxda Sassuolo.

Isku soo wada duuboo labada kooxood ayaa fiidnimada caawa noqon doona guulaystayaasha horyaalada Premier League iyo Serie A-da hadii ay natiijooyinku u dhacaan sida ay doonayaan.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 4 Waddo Oo Khaldan Oo Fashil Ah Oo Ay Ragga Qaar Jacaylkooda Ugu Soo Bandhigaan Gabadha Ay Jecelyihiin, Iska Ilaali Ninow.


Source: laacibfm

SHARE