Kulanka Man United & Liverpool Ee Galabta Oo Halis Ugu jira In La Kansalo, Sabab?

Kulanka adag ee sida weyn loo wada sugayo ee u dhexeeya Man United iyo Liverpool ee horyaalka Premier League ayaa lagu soo waramayaa in uu halis ku jiro in la baajiyo lana kansalo galabta sida ay sheegayaan wararku.

Labada kooxood ayaa isku diyaarinaya kulan adag oo ka dhaca garoonka Old Trafford kulan ka tirsan todobaadkii 34-aad ee horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Laakiin wargayska Express Sport ayaa sheegaya in uu kulanku halis ugu jiro in la baajiyo lana kansalo maanta sabab la xidhiidha mudaharaadyo ballaadhan oo la filayo in ay ka dhacaan Old Trafford.

Taageerayaasha Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay qorshaynayaan in ay ka qayb qaataan mudaharaad badan oo ay kaga soo hor jeedaan milkiilayaasha kooxda Man United.

Masuuliyiinta Man United ayaa ka cabsi qaba in ay taageerayaasha Man United sameeyaan mudaharaadyo waaweyn taas oo keeni karta in la kansalo kulanka ay la ciyaari doonaan kooxda Liverpool.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 4 Waddo Oo Khaldan Oo Fashil Ah Oo Ay Ragga Qaar Jacaylkooda Ugu Soo Bandhigaan Gabadha Ay Jecelyihiin, Iska Ilaali Ninow.


Source: laacibfm

SHARE