Liverpool Oo Man City Kula Loolameysa Saxiixa Daafac U Jooga Juventus

Ilo wareedyo ay qorayaan saxaafadda Italy ayaa sheegaya in Liverpool ay damacsan yihiin in ay xagaaga la soo hishiiyaan mid ka mid ah daafaca Juventus .

Xilki ciyaareedkaan sii dhamaanaya waxa ay Liverpool ka sheegteen dhanka daafaca ka dib dhaawacyada safmarka ee kaga yimid Matip , Van Dijk iuo Gomez

Shabakada Tribal Football ayaa sheegeysa in Liverpool si weyn haatan uga fikarayaan saxiixa daafaca reer Turki ee Merih Demiral

Liverpool weli ma go`aansan in ay toos u iibsadaan xiddigaha amaahda ugu jooga sida Ozan Kabak

Macalin Klopp ayaa mamaulka kooxda ku war giliyay in loo dhaqaaqo saxiixa Merih Demiral oo uu rumeysan yahay in uu loolan kala kulmayo kooxo kale

Tottenham , City , Everton ayaa ka mid ah kooxaha wada doonaya laacibkaas 23 sano jirka ah

Merih Demiral ayaa xilli ciyaareedkaan u saftay Juventus 23 kulan dhamaan tartamnada bale wax gool ah ma dhalin


Source: laacibfm

SHARE