Man United Oo Calaamadsatay 3 Xiddig Oo Ay Ku Buuxin Doonto Booska Paul Pogba Hadii uu Kooxda Ka Tago.

Kooxda Man United ayaa isku diyaarinaysa bixitaanka suurtagalka ee xiddiga khadka dhexe ee Paul Paul Pogba kaas oo uu shaki ku jiro mustaqbalkiisa kooxda Man United.

Man United ayaa la sheegayaa in ay iska iibin doonto xiddiga khadka dhexe suuqa xagaaga hadii uu diido in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Man United wakhtiga soo socda.

Wargayska Daily Mirror ayaa shaaca ka qaaday in ay Man United isku diyaarinayso in ay u dhaqaaqdo midkood 3 xiddig oo khadka dhexe ku fiican si ay ugu buuxiso booska Paul Pogba hadii uu kooxda ka tago.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Red Devils diyaarsatay 3 xiddig oo khadka dhexe ku fiican kuwaas oo ay u dhaqaaqi doonto hadii ay iska iibiso xiddiga reer France suuqa xagaaga.

Xiddigaha Declan Rice, Wilfred Ndidi Iyo Saul Niguez ayaa ah xiddigaha ay Man United doonayso in ay u dhaqaaqdo hadii ay waydo Paul Pogba suuqa xagaaga ee dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 4 Waddo Oo Khaldan Oo Fashil Ah Oo Ay Ragga Qaar Jacaylkooda Ugu Soo Bandhigaan Gabadha Ay Jecelyihiin, Iska Ilaali Ninow.


Source: laacibfm

SHARE