Man United Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Donny van de Beek

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ayna diyaar u ahayn in ay dhagaystaan dalabyada u imanaya xiddiga khadka dhexe ee Donny van de Beek suuqa xagaaga sida ay sheegayaan wararku.

Xiddigii hore ee kooxda Ajax ayaa ku soo biiray Old Trafford isaga oo ka mid ah xiddigaha ugu fiican booskiisa xagaagii hore laakiin wakhti adag ku qaatay kooxda Man United.

Donny van de Beek ayaa ciyaaray 32 kulan tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan laakiin kaliya ku bilowday 2 kulan oo Premier League ah waxana lala xidhiidhinayaa in uu isaga tagayo kooxda xagaaga.

Laakiin wargayska The Sun ayaa sheegay in ay Man United aad u qiimayso xiddiga 24 jirka ah waliba diidi doonto dalab walba oo lagu doonayo saxiixiisa suuqa xagaaga.

Wararka ayaa sheegaya in ay Ajax doonayso in ay dib ula saxiixato xiddiga laakiin Solskaer ayaa doonaya in uu xiddiga ku sii haysto kooxdiisa xilli ciyaareedka dambe.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 4 Waddo Oo Khaldan Oo Fashil Ah Oo Ay Ragga Qaar Jacaylkooda Ugu Soo Bandhigaan Gabadha Ay Jecelyihiin, Iska Ilaali Ninow.


Source: laacibfm

SHARE