Man United Oo Iska Iibin Doonta Paul Pogba Hadii Halkan Arin Dhici Waydo.

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay isku diyaarin doonto inay iska iibiso Paul Pogba hadii uu diido inuu mustaqbalkiisa u hibeeyo kooxda.

Wakiilka xiddiga khadka dhexe ee Mino Raiola ayaa sheegay in wakhtigii Paul Pogba ee Man United soo dhamaaday laakiin xiddiga khadka dhexe ayaa xiddig muhiim ah ka noqday kooxda Tababare Ole Gunnar Solskjaer.

Si kasta ha ahaatee xiddigii hore ee Juventus ayaan wali qalinka ku duugin heshiis kordhin iyada oo uu heshiiskiisu dhacayo xagaaga 2022.

Wargayska The Sun ayaa sheegaya in ay Man United iska iibin doonto xiddiga hadii uu heshiis cusub u saxiixi waayo kooxda xilli xiddiga lala xidhiidhinayo kooxda Real Madrid.

Wararka ayaa sheegaya in ay Man United doonayso in ay soo ceshato badh lacagtii ay ka soo bixisay xiddiga xagaagii 2016.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 4 Waddo Oo Khaldan Oo Fashil Ah Oo Ay Ragga Qaar Jacaylkooda Ugu Soo Bandhigaan Gabadha Ay Jecelyihiin, Iska Ilaali Ninow.


Source: laacibfm

SHARE