Masiibada Dhaawacyada Oo Sii Socda & Xiddig Muhiim U Ah Real Madrid Oo Uu Shaki Ku Jiro Kulanka Chelsea.

Real Madrid ayaan Marna ka neefsan dhaawacyada xilli ciyaareedkan daafaca dhexe ee Raphael Varane ayuuna haatan shaki ku jiraa kulanka lugta 2-aad ee Semi-final-ka champions league ee ay la ciyaari doonaan chelsea.

Xiddiga Raphael Varane ayaa dhaawac looga saaray qaybtii hore ee kulankii Osasuna kadib markii uu raaxo la’aan ka dareemay lugta midig waxana uu maanta mari doonaa baadhitaan dheeraad ah laakiin ka qayb galkiisa kulanka chelsea ayuu shaki ku jiraa.

Dhaawacan ayaa dhirbaaxo kale ku ah Zidane kaas oo haatan ku qasbanaan kara in uu Sergio Ramos ku soo riixo shaxda kulanka chelsea ee chapions League.

Zidane iyo Real Madrid ayaa haatan wal-wal ku sugaya natiijada baadhitaanka daafaca reer France kaas oo la filayo in la soo saaro galinka dambe ee wakhtiga Somaliya.

Hadii uu Varane ka maqnaado kulanka waxa ay dhirbaaxo ku dhacaysaa rajada kooxda Real Madrid ee Final-ka tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 4 Waddo Oo Khaldan Oo Fashil Ah Oo Ay Ragga Qaar Jacaylkooda Ugu Soo Bandhigaan Gabadha Ay Jecelyihiin, Iska Ilaali Ninow.


Source: laacibfm

SHARE