Thomas Tuchel Oo Ka Warbixiyay Xaalada Dhaawac Ee Mason Mount Ka Hor Kulanka Real Madrid.

Thomas Tuchel ayaa ka hadlay dhaawaca Mason Mount iyadoo laga cabsi qabo in Xiddiga khadka dhexe uu seego kulanka Chelsea ee Champions League ee Real Madrid.

Taageerayaasha Man United ayaa wadnaha farta ku haya kadib markii Maunt dhaawac looga saaray kulankii ay chelsea garaacday Fulham kadib markii ay isku dheceen xiddiga Mario Lemina.

Kadib markii uu dhaawacmay Mount ayaa isku dayay in uu sii wato ciyaarta laakiin waxa uu sii wadan kari waayay ciyaarta taas oo keentay in lagu badalo xiddiga Tammy Abraham.

Laakiin Tababaraha Chelsea ee Thomas Tuchel ayaa sheegay in uu rajaynayo in uu Mason Mount fiicnaan doono waliba dhaawaciisu ahayn mid halis ah taamna u noqon doona kulamada soo socda.

“Waxaan rajeynayaa in Mason uu fiicnaan doono,” ayuu Tuchel yidhi.

“Uma malaynayo in uu dhaawacu yahay mid halis ah laakiin waxa aan badalnay si uu taam ugu noqdo kulanka Real Madrid”.


Source: laacibfm

SHARE