Timo Werner Oo Bar-Bareeyay Rikoodh Uu Eden Hazard U Dhigay Chelsea.

Timo Werner ayaa la kulmay dhaleeceyn badan xilli ciyaareedkan laakiin wuxuu ku guuleystey inuu barbareeyo rikoodh uu dhigay Eden Hazard kulankii ay Chelsea ka badisay Fulham sabtidii.

Xiddiga reer Germanay ayaa la kulmay cadaadis xoogan marar badan xilli ciyaareedkan kadib markii uu khasaariyay fursado fudud kulamo badan oo muhiim ah.

Werner ayaan wax gool ah dhalin kulankii Fulham laakiin waxa uu caawiye ka noqday kulankii 2-aad ee uu Kai Havertz dhaliyay kulankii ay chelsea 2/0 uga badisay Fulham.

Kadib caawintas Werner ayaa sameeyay caaintii 10-aad ee xilli ciyaareedkan tartamada oo dhan taas oo la macno ah in uu noqday xiddiga kaliya ee sidaas sameeyay chelsea xilli ciyaareedkan.

Xiddigii ugu dambeeyay ee sidaas sameeyay ayaa ahaa Eden Hazard kaas oo 10 caawin sameeyay xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay ee chelsea 2012/2013.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 4 Waddo Oo Khaldan Oo Fashil Ah Oo Ay Ragga Qaar Jacaylkooda Ugu Soo Bandhigaan Gabadha Ay Jecelyihiin, Iska Ilaali Ninow.


Source: laacibfm

SHARE