XASAASI: Milkiilayaasha Arsenal Oo Suuqa Dhigay Kooxda Kadib Cadaadis Uga Yimid Taageerayaasha.

Milkiilaha Arsenal ee Stan Kroenke ayaa lagu soo waramayaa in uu Arsenal suuqa dhigay inkasta oo uu wiilkiisa Josh Kroenke xaqiijiyeen inaysan diyaar u aheyn inay aqbalaan dalabyada u imanaya kooxda sida ay sheegayaan wararku.

Milkiilayaasha Gunners KSE ayaa si weyn dhaleecayn ugala kulmay taageerayaasha Kooxda Arsenal kadib markii ay ay ku biireen tartanka European Super League iyaga oo taageerayaashu sameeyeen mudaharaado xoogan oo ay kaga soo hor jeedaan milkiilayaasha kooxda.

Aasaasaha Spotify isla markaana ah agaasimaha guud Daniel Ek ayaa muujiyay rabitaankiisa ah in uu iibsado kooxda laakiin wararka ayaa sheegay in milkiilaha kooxda ee Kroenke ku adkaysanayo in ayna kooxdu iib ahayn.

Si kasta ha ahaatee wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in ay milkiilayaashu suuqa dhigeen kooxda Arsenal waliba muddo 2 sano ah suuqa taalay kadib markii ay milkiilayaashu dalab ka heleen maal-galiiyayaal caalami ah.

Isla wararka ayaa sheegaya in ay Milkiilyaasha Arsenal diyaar u yihiin in ay ogolaanayso dalab dhan 1.7 bilyan euro si ay u iibiso kooxda Arsenal wakhtiga soo socda.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 4 Waddo Oo Khaldan Oo Fashil Ah Oo Ay Ragga Qaar Jacaylkooda Ugu Soo Bandhigaan Gabadha Ay Jecelyihiin, Iska Ilaali Ninow.


Source: laacibfm

SHARE