Gerard Pique Oo Kashifay Wakhtiga Lagu Kala Bixi Karo Horyaalka La Liga

Daafaca kooxda Barcelona ee Gerard Pique ayaa ku kalsoon in ay kooxda Barcelona ku guulaysan karto horyaalka la Liga xilli ciyaareedkan kadib markii ay guul soo laabasho leh ka gaadheen kooxda Valencia.

Barcelona ayaa la ciyaari doonta Atletico Madrid sabtida kulan labada kooxood midkood ka hadhi karo tartanka loogu jiro horyaalka La Liga ee xilli ciyaareedkan.

Pique ayaa sheegay in ay kooxdiisu u dagaalami doonto horyaalka La Liga waliba maalinta ugu dambaysa xilli ciyaareedka lagu kala bixi karo tartanka horyaalka La Liga.

“Waxa aan sii wadi doonaa in aan dagaalano ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka”ayuu Pique yidhi.

“Haatan waxa aan diirada saari doonaa in aan garaacno Atletico Madrid kadib waa in aan rajayno in natiijo fiican nooga soo baxdo kulanka Real Madrid iyo Seviila”.

“Waxa aan rajaynayaain aan todobaadka dambe ahaano hogaamiyayaasha horyaalka laakiin xitaa hadii ay koox kale hogaamiso horyaalka ma dhamaan sababta oo ah maalinta ugu dambaysa ayaa lagu kala bixi doonaa”.

Sii Akhriso: Waa Maxay Jacaylka Shuruudaha Leh & Jacaylka Shuruud La’aanta Ah & Farqiga U Dhexeeya.


Source: laacibfm

SHARE