Kooxaha Koobabka Ugu Badan Ku Guulaystay Horyaalka Serie A-da.

Kooxda Inter Milan ayaa shalay Axadii si Rasmi ah ugu guulaystay horyaalka Serie A-da kadib 11 sano oo aanay ku guulaysan horyaalka dalkaas kadib xilli ciyaareed cajiib ah oo ay soo qaadatay.

Kooxda Inter Milan oo uu hogaamiyo Antonio Conte ayaa wacdaro dhigay xilli ciyaareedkan iyaga oo horyaalka ku guulaystay iyada oo 4 kulan ka dhimantahay dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Kadib ku guulaysiga horyaalka Serie A-da kooxda Inter Milan ayaa ku guulaystay horyaalka Serie A-da markii 19-aad ee taariikhdooda iyaga oo ah kooxda 2-aad ee ugu guulaysiga badan tartanka.

Kooxda Juventus ayaa ah kooxda tirada ugu badna ku guulaystay horyaalka Serie A-da iyaga oo ku guulaystay horyaalka 36 jeer taas oo ah rikoodh aanay koox kale ka haysan horyaalka Serie A-da.

Kooxda Ac Milan ayaa ah kooxda 3-aad ee ugu guulaysiga badan horyaalka Serie A-da iyaga oo ku guulaystay horyaalka 18 jeer.

Sii Akhriso: Waa Maxay Jacaylka Shuruudaha Leh & Jacaylka Shuruud La’aanta Ah & Farqiga U Dhexeeya.


Source: laacibfm

SHARE