Mikel Arteta Oo Ka Nixiyay Taageerayaasha Arsenal Ka Hor Kulanka Villarreal Ee Europa League.

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa si maldahan u sheegay in uu xiddiga David Luis ka maqnaan doono kooxdiisa inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Xiddiga David Luiz ayaa ku dhaawacmay kulankii ay Arsenal guusha ka gaadhay kooxda Newcastle United isaga oo ka dhaawacmay jilibka.

David Luiz ayaan dhamaysan ciyaarta waxana laga saaray kadib markii uu sii wadan kari waayay bilowgii qaybtii dambe ee ciayarta kadib markii uu dhaawac ka soo gaadhay jilibka.

Markii Arteta wax laga waydiiyay in uu Luiz seegi doon kulamada ka dhiman xilli ciyaareedkan ayuu ku jawaabay”Ma garanayo”.

“Waxa uu dareemay xanuun jilibka ah sidaas darteed ma ahan war fiican, waxa uu u dadaaalay soo laabashada kadib qaliinkii jilibka looga sameeyay laakiin dhaawaciisu ma ahan mid fiican”.

Sii Akhriso: Waa Maxay Jacaylka Shuruudaha Leh & Jacaylka Shuruud La’aanta Ah & Farqiga U Dhexeeya.


Source: laacibfm

SHARE