Roy Keane Oo Sheegay In Uuna Doonayn In Uu Edinson Cavani Sii Joogo Man United, Sabab.

Kabtankii hore ee Manchester United Roy Keane ayaa sheegay in uuna doonayn in ay Man United sii haysato xiddiga Edinson Cavani.

Xiddiga reer Uruguay ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku jira xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 12 gool sidoo kale caawiye ka noqday 33 kulan oo uu ciyaaray tartamada oo dhan.

Man United ayaa ka shaqeyneysay inay ku qanciso 34 jirkaan inuu u saxiixo 12 bilood oo heshiis cusub ah xilli ay jiraan warar sheegaya in uu doonayo in uu isaga tago kooxda.

Waxa soo baxay warar cusub oo maalmihii ugu dambeeyay sheegayay in uu Cavani doonayo in uu sii joogo kooxda laakiin Keane ayaa sheegay in uuna doonayn in ay kooxdiisii hore sii haysato xiddiga maadama uu doonayo in ay la soo saxiixto weeraryahan kale.

“Waxa aan rajaynayaa in ayna kooxdu sii haysan Cavani sababta oo ah waxa laga yaabaa in ay ka fikiraan in ayna u baahnayn weeraryahan cusub, Cavani waa 34 jir kooxduna kuma tiirsanaan karto Cavani xilli ciayareedka dambe hadii ay doonayaan in ay ku guulaystaan koobab”ayuu Keane yidhi.

“Waxa uu noqon karaa xiddig badal ah laakiin waa in ay la soo saxiixdaan weeraryahan cusub oo ay ku xoojiyaan kooxda”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: Waa Maxay Jacaylka Shuruudaha Leh & Jacaylka Shuruud La’aanta Ah & Farqiga U Dhexeeya.


Source: laacibfm

SHARE